Abiy Ahmed oo ka hadlay heshiiska dowladiisu la gashay falaagada TPLF

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa sheegay in heshiiska xabbad joojinta ee ay dowladdiisu la saxiixatay saraakiisha ka socotay gobolka Tigray uu dalka u yahay tallaabo wax ku ool ah.

“Waa heshiis aan soo dhawaynayno oo aan cafis si buuxda ugu dhaqan galinayno. Waxaan guud ahaan shacabka ka codsanaynaa inay ka shaqeyaan siddii aan shacabka Tigray u taageeri lahayn ee aan dib ugu dhisi lahayn. Si deegaankaas u noqdo sidiisii hore. Heshiiskan wuxuu keenayaa inaan baryada ka baxno, oo ay caddawgeeni gacmaha ka laabtaan arrimaha dalka.”ayuu yiri Abiy.

“Geesinimadu kaliya maha in la guulaysto. Waa in guusha kaddib aad cafis fidin karto. Heshiiska nabadeed ee la gaaray,waa mid Itoobiya guul ugu fadhiya.”

Heshiiskan lagu saxiixay waddanka Koonfur Afrika kaddib laba sanadood oo uu dagaal socday ayaa waxa uu dhigayaa in hubka laga dhigo dagaalyahannada fallaagada TPLF.

Dhexdhexaadiyaha Midowga Afrika, madaxweynihii hore ee Nigeria, Olusegun Obasanjo, oo garwadeen ka ahaa heshiiskan ayaa isna sheegay in heshiiska uu bilow u yahay hannaan nabad loogu soo dabaalayo Itoobiya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -