Ninkii toogashada ku dhaawacay Ra’isal Wasaarihii hore ee dalka Pakistan Imran Khan oo lagu wareystay Muuqaal kooban oo ay baahiyeen hay’addaha ammaanku, ayaa sheegay inuu ka xanaaqay heeso ay shiteen taageerayaasha Imran Khan ee ku sugnaa goobtii bannaanbuxu ka socday. Xilli la joogay wakhtigii adinka Salaadda.
Ninkan hubaysan ayaa rasaas ku furay Imran Khan xilli uu socod siyaasadeed ku marayay gobolka Punjab.
Waxaa uu qiray inuu isku dayay dilka dilo ra’iisal wasaarihii hore ee Pakistan isagoo taasna sabab uga dhigay inuu marin habaabiyay shacabka, una dulqaadan waayay.
Khan ayaa dhaawac uu soo gaaray kadib markii uu ninkab hubeysan  weerar ku qaaday gaari konteenar ku raran oo uu ku jiray intii uu socday mudaaharaad, iyadoo xisbigiisu ay ku andacoodeen inuu ahaa isku day dil oo cad.
Dhacdadan ayaa ka dhacday magaalada Wazirabad ee Punjab markii Imran khan uu hogaaminayay socodkii dheeraa ee uu ku tagayay Islamabad isagoo dalbanayay doorashooyin waqtigoodii laga soo hormariyay. Ninka hubaysan ayaa isla markiiba waxaa gacanta ku dhigay saraakiisha amaanka iyo shaqaalaha xisbiga Khan ee Pakistan Tehreek-e-Insaf (PTI).
“Isaga (Cimraan) wuxuu marin habaabinayay dadka, waana u adkeysan waayay inaan daawado, markaas ayaan isku dayay inaan dilo,” ayuu yiri ninkan oo hadda ku jira gacanta Booliska.
Ninka hubaysan ayaa sheegay falkaas uu keligiis go’aansaday, aysana jirin cid soo adeegsatay ama ka dambeysay.
“Waxaan go’aansaday inaan dilo maanta, fikradan waxay ii timid markii Khan uu bilaabay socodkiisii ​​dheeraa, kaligey ayaan ahay cid ila socotana ma jirto, waxaan ku imid mooto bajaajka, waxaana baaskiilada dhex dhigay dukaanka adeerkey” ayuu yiri.
“Waxaan go’aansaday in aan dilo, waayo markii salaad la tukanayay ayaa heeso lagu garaacayay (konteenarka),” ayuu raaciyay.
Xaaladda Cimran Khan ayaa ah mid aad u fiican iyadoo lagu dabiibayo Isbitaalkii galabta loola cararay.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com