Siyaasiyiin Mucaaradsan Madaxweyne Deni oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Nairobi

Maxamuud Shiddo oo ka mid ah kooxdii Aaranjaan ee dhowaan ay kala furteen Madaxweyne Deni iyo Jen. Asad Cusmaan Diyano oo ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradsan Deni ayaa kulan xasasai ah ku yeeshay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Siyaasiiintan ayaa sidoo kale ka mid ah kuwa sida weyn uga soo horjeeda inuu mudda kororsi samaysto Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo mudda xileedkiisu ku eg yahay horaanka sanadka 2024.

Ma jirto xog rasmi ah oo ka soo baxday kulanka Maxamuud Shiddo iyo Asad Diyaano hase ahaataee Warar hoose ayaa sheegaya in mucaaradka ku sugan Bari iyo Nugaal ay ka midaysan yihiin diidmada mudda kororsiga ayna labadan siyaasi arrintaas ssii xoojiyeen.

Deni oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho ayaa isna saacadaha soo socda ku wajahan Nairobi waxaana xusid mudan in safarkiisa Nairobi aysan ku wehelin cid ka tirsan maamulkiisa marka laga reebo gacan yarayaashiisa.

Waxaa sidoo la hadal hayaa in Deni uu u sii gudbo dhinaca magaalada Dubai ee dalka Imaaraadka Carabta inkastoo safarkiisa imaaraadka aan faahfaahin badan laga heynin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -