Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Sarkaal ka tirsanaa Al-Shabaab oo isku dhiibay ciidanka Xoogga dalka (Sawirro)

Sarkaal ka tirsan al-shabaab ayaa isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka iyo kuwa difaaca deegaanka ee ku sugan gobolka Galgaduud sida ay sheegtay warbaahinta DF.

Mahad Aw-Cusmaan Sabriye ayaa ahaa madixii Jabhadaha al-shabaab ee qaabilsanaa degmada Galcad iyo degaanada Budbud,  Cowsweyne iyo Masagawaa

Hagar Barre oo ah hogaamiyaha Macawisleyda ka howlgasha degaanada hoostaga degmada Galcad ayaa warbaahinta u sheegay in sarkaalka isa soo dhiibay uu ahaa shaqsigii ugu sarreeyey al-shabaab ee dhibka badan ku hayay shacabka dega degmooyinka Ceeldheer iyo Galcad sida uu yiri.

Waxaa uu xusay in la soo dhoweeyey, isagoo ugu baaqay ragga kale ee weli ka barbar dagaalamaya Al-shabaab iney ku daydaan Mahad Aw-Cusmaan Sabriye.

Related posts

Bogga uu facebook ku leeyahay Taliyaha ciidanka Xoogga dalka oo la jabsaday

Caydiid Ali

Daawo:-Mahad Salaad oo Sir badan banaanka keenay shaacana ka qaaday qorshe..

admin

Daawo: Sida maamuuska leh ee Garowe loogu aasay Meydka Marxuum Max’ed Cabdi Xaashi

Caydiid Ali
Taboola Ads ---