Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Muxuu Madaxweyne Qoorqoor kala hadlay danjire Tim Trenkle? (Daawo Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa la kulmay Danjire ku-xigeenka dalka Mareykanka u fadhiya Soomaaliya Tim Trenkle.

Qoorqoor iyo danjiraha ayaa ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka, gaar ahaanna arrimaha Amniga, xasilinta deegaanada laga xoreeyay Al-shabaab, dimoqraadiyadda iyo horumarinta dowlad dhisidda Galmudug.

Madaxweynaha iyo Danjire ku-xigeenka ayaa sidoo kale ka wada hadlay kaalinta dowladda Mareykanka ee howlgalada ka dhanka ah argagaxisada sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay madaxtooyada Galmudug.

Madaxweynaha ayaa Dowladda iyo shacabka Mareykanka uga mahadceliyay garab istaaga Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ee dhinacyada gargaarka, amniga iyo dib u dhiska ciidamada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaar ka mid ah Wasiiradii uu Magacaabay Deni oo xilalka loo dhaariyey (Sawirro)

Caydiid Ali

(Daawo Sawiro) Khasaaraha duufaantii ugu xumeyd ee ka dhufatay gobolka Florida

Caydiid Ali

Madaxweyne Putin oo booqasho ku tagay dal xubin ka ah Maxkamadda ICC

Cabdi Cade
Taboola Ads ---