Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Dabageed oo booqday Mid ka mid ah degaanadii lagala wareegay Al-Shabaab

Madaxweyne Ku Xigeenka Dowladda Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed) ayaa maanta gaaray deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan oo ka mid ahaa degaanadii dhawaan lagala wareegay Al-shabaab.

Socdaalka Madaxweyne Ku Xigeenka oo ay ku wehliyeen Xildhibaano Saraakiil iyo Masuuliyiin kale ayaa ku qotomay u kuurgalka xaaladaha nololeed ee bulshada ku nool deegaanka.

Madaxweyne Ku Xigeenka ayaa shacabka deegaanka ugu baaqay inay u soo baxaan halganka lagu ciribtirayo wax uu ugu yeeray kooxaha argagixisada ah.

Yuusuf Axmed Hagar ayaa balan qaaday in adeegyada aasaasiga ah ee dowladda la soo gaarsiin doono deegaanka Tardo, wuxuuna shacabka ugu baaqay iney ciidamada amaanka ku wargeliyaan hadioi arkaan kooxo amniga wax u dhimaya.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa wada abaabulka weeraro cusub oo ka dhan degaano kooban oo Al-shabaab ay weli kaa joogaan gobolka Hiiraan sida ay sheegayaan saraakiisha Maamulka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidanka NISA oo lagu wareejiyay sargaal katirsaa Al Shabaab oo la qabtay

Cabdi Cade

Madaxweyne Biden oo ku dhawaaqay go’aan cusub oo ka farxiyey Israel

Caydiid Ali

Al Shabaab oo shaacisay magaca iyo qabiilka ninkii fuliyay Weerarkii Ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay ….

Cabdi Cade
Taboola Ads ---