Abwaan Guure oo mar kale loo Magacaabay xil ay ka qaaday dowladii Farmaajo

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Daauud Aweys Jaamac ayaa xilkii Maareeyaha Golaha Murtida iyo Wacyiigalinta Qaranka ka qaadey Abwaan C/qaadir Cabdi Shubbe.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa sidoo kale xilkaas loogu magacaabay Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure

Dowladii Madaxweyne Farmaajo ayaa Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure ka qaaday xilkan oo uu horey u hayey ka dib markii ay dhibsatay War ka baxay idaacada madaxa banaan ee Kulmiye oo oo abwaanku leeyahay.

Abwaan Cusmaan C/llaahi Guure ayaa xiliggaas sheegay in warka idaacada ka baxay aan isaga loo nisbeyn karin maadaama xilkeeda uu wareejiyey markii uu qabtay xilka agaasimaha Tiyaatarka.

Hase ahaatee Dowladii Farmaajo ayaa abwaan Guure ku bedeshay Abwaan C/qaadir Cabdi Shubbe oo ka mid ahaa taageerayaasha dowladaas kaasoo ilaa xiligan hayey masuuliyada Tiyaatarka Qaranka.

Golaha Murtida iyo Madadaalada National Tiyaatar ayaa dowladii Farmaajo waxay ku dhistay barnaamijkii loo bixiyey isxilqaan, waxaana lagu qabtaa xafladaha qelin jebinta Jaamacadaha iyo kuwa dowlada, waxaana weli meesha ka maqan riwaayadihii iyo masraxiyadii lagu soo bandhigi jiray xiligii beri-samaadkii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -