Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Hage Geingob oo geeriyooday iyo Madaxweyne Xasan oo ka hadlay

Madaxweynaha dalka Namibia Hage Geingob ayaa saakay ku geeriyooday isbitaalka Lady Pohamba ee caasimadda Windhoek, halkaas oo la sheegay in muddooyinkii lasoo dhaafay ku xanuunsanayay.

Hage Geingob 82-sanno jir ahaa ayaa la sheegay in uu ku dhacay cudurka kansarka , waxaana xaalada madaxweynaha muddo la tacaalayay dhaqaatiir gaar ah oo loo xil saaray, waxaana la sheegay in uu geeriyooday xilli ay qoyskiisa hareer joogeen.

Madaxweynaha geeriyooday ayaa ahaa rugcadaa siyaasadeed oo muddo dheer ku dhax jiray siyaasada dalka Namibia tan iyo markii xuriyadda dalkaasi qaatay, waxaana geerida madaxweynaha ka dhacay dadka reer Namibia.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Soomaaliya ayaa farriin tacsi ah u diray shacabka iyo dowladda dalka Nambia, waxa uuna ku tilmaamay madaxweynaha geeriyooday nin wax-qabad badan oo muddo dheer usoo shaqeeyay dalkiisa iyo dadkiisa.

“Xiligan adag, waxan garab taagan nahay qoyskiisa, iyo dadka reer Nambia ee u boroorranaya waayitaanka hoggaamiyahoodii waynaa” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madax badan oo hoggaamisa qaar kamid ah waddamada caalamka ayaa ka tacsiyadeeyay geerida ku timid madaxweynihii dalka Nambia, waxa ayna farriimo tacsi dareen xambaarsan madaxdaasi u direen dowladda iyo shacabka Nambia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maleeshiyaad ka qeyb qaadanaya Dagaalka ka dhanka Al Shabaab oo lasoo bandhigay (Sawirro)

Cabdi Cade

Amaanka magaalada Muqdisho oo faraha kasii baxaya iyo Ciidanka oo bilaabay in ay…

Cabdi Cade

Kheyre iyo Deni oo kala magacaabay 2-Guddi oo qaban qaabiya Aaska Xasan Abshir Farax

Cabdi Cade
Taboola Ads ---