Maareeyaaha Garoonka Aadan Cadde oo ka hadlay Warqad lagu baahiyay Warbaahinta

Waxaa saacadihii lasoo shaafay warbaahinta qaar iyo baraha bulshada lagu baahiyay warqad la sheegay in ay kasoo baxday xafiiska Maareeyaha garoonka Aadan Cadde, kaa oo ka digayay weeraro laga yaabo in Al Shabaab kusoo qaadaan garoonka.

Qoraal goordhaw kasoo baxay xafiiska Maareeyaha maamulka iyo amniga garoonka Aadan Cadde ayaa lagu sheegay warqadii hore ee lagu daabacay warbaahinta iyo baraha bulshada ay tahay mid been abuur ah.

Maareeyaha qoraalkan cusub uu soo saaray ayuu ku sheegay in amniga garoonka diyaaradaha Aadan Cadde gacanta ku hayaan hay’addaha amniga, waxaana lala socodsiiyay bulshada Soomaaliyeed in warqadii hore aysan waxba ka jirin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -