Shiikh Shariif oo si adag uga hadlay Musiibadii ka dhacday nawaaxiga Soobe kuna baaqay..

Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed ayaa si kulul uga hadlay qaraxyadii lagu hoobtay ee shalay Al-Shabaab ka geysatay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho

Shariif ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ku fashilantay furimaha dagaalka , talaabadana ay u qaadeen in laga mashquulo dagaalka lagu qaaday ee dalka looga xoreynayo.

Falkan gumaadka ah ujeedada ay ka leeyihiin waa in dagaalka lagu hakiyo, waxaan soo jeedinayaa inaan loo jilcin, lana sii laban laabo dagaalka, mar hore ayaa laga quustay kooxdan dadka dhibaateyneysa, yaan dagaalka laga jilcin,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Meelaha hadda aysan dagaaladu ka socon ayuu ku baaqay in xabada laga bilaabo si kooxda looga guuleysto, loona soo afjaro dhibaatada ay ummada ku hayaan.

“Waxaan ku talinayaa Meelaha ay joogaan oo dhan dagaal laga wada furo, waxaa muuqata fursad weyn oo looga xoroobi karo Al-shabaab,” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Waxaa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay si hagar la’aan ah isugu gurmadaan, maadaama ay dhacday musiibo baaxad weyn, isagoo xusay in kuwa falkan ku kacay aysan badbaadi doonin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -