Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Madaxweyne Ruto: “Kenya waxay garab taagan tahay shacabka iyo dowlada Somalia”

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa u direy taci dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dhibaatadii kasoo gaartay qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Kenya, ayaa carabka ku dhuftay in shacabka Kenya ay garab taagan yihiin dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Ruto, ayaa balan qaadey inuu dalalka gobolka kala shaqeyn doono sidii nabad iyo amni looggu soo celin lahaa Soomaaliya.

“Shacabka Kenya waxay garab taagan yihiin Soomaaliya kadib weerarro argagixiso oo galaaftay nolosha in ka badan 100 qof. Waxaa naga go’an inaan la shaqeyno dalalka kale si loo xaqiijiyo nabadda iyo amniga gobolka” ayuu yiri Madaxweyne Ruto.

Dad ka badan 100 qof ayaa ku naf waayey in ka badan 300 kalena wey ku dhaawacmeen Magaalada Muqdisho ka dib qaraxyo is xig xigay oo ka dhacay shalay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Goormay Shacabka Muqdisho bilaabi doonaan raadinta xuquuqda Gobolka Banaadir?

Caydiid Ali

Trump oo hadlay ka dib xil ka qaadistii ay ku sameeyeen xubnaha Congreska

Caydiid Ali

(Akhriso) Guddiga doorashada Galmudug oo War cusub ka soo saaray diiwaan-gelinta

Caydiid Ali
Taboola Ads ---