Aqalka sare oo soo fara geliyey khilaafka dowlada dhexe & dowlad goboleedyada

Guddiga Joogtada ah ee Xildhibaanada Aqalka Sare ee baarlamanka Somalia oo kulan  maanta ku yeeshay Magaalada Muqdisho ayaa waxay  sheegeen inay guddi u diri doonaan xarumaha Maamul goboleedyadda.

Guddigaan ayaa loogu tala galay inay ka soo talo bixiyaan cabashadda maamul goboleedyaddu ka muujiyeen dowladda dhexe iyo wada shaqeyn xumada ka jirta labada dhinac.

Golaha Aqalka Sare ayaa ugu baaqay Madaxda maamulada inay joojiyaan abaabulka Siyaasadeed ee ay ka waddaan degaanada ay joogaan oo ay ka qeyb ka yihiin Mooshinada.

Xubnaha Aqalka Sare waxay sheegeen inay gudan doonaan waajibka dastuurkiga ah ee ka saaran Maamul goboleedyadda, islamarkaana ay dadaal badan ku bixin doonaan sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinka xilligaan ka taagan dalka

Khilaafka ka dhaxeeya Madaxda maamulada iyo dowladda dhexe ayaa meel adag maraya ka dib markii dhawaan Madaxda maamulada ay ku dhawaaqeen inay hakiyeen xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda Soomaaliya, iyagoo ku eedeeynaya waxyaabo kala duwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -