Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda oo War kasoo saartay Deegaan Muhiim ah oo maanta laga saaray Al Shabaab

Ciidamada kumaandooska Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa maanta la wareegay deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, halkaas oo fariisin muhiim ah u ahaa kooxda Al Shabaab.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Daa’uud Aweys oo warbaahinta shir jaraa’id u qabtay ayaa shaaciyay in ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka si buuxda ula wareegeen deegaanka Masaajid Cali Gaduud.

Waxa uu sheegay wasiirka in ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa kumaandooska gododkooda ugu daateen dagaalyahanadii Al Shabaab ee maalmaha badan ka dagaalamayay deegaanka Masaajid Cali Gaduud.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidamada hadda wadaan howlgalo ammaanka lagu xaqiijinayo, waxa uuna tilmaamay in deegaankaasi laga saaray Al Shabaab la gaarsiinayo gargaar iyo waxyaabaha ay u baahan yihiin shacabka deegaanka.

Deegaanka Masaajid Cali Gaduud ayaa muddo isbuuc ah waxaa ka socday dagaalo culus oo dhiig badan ku daateen iyo sidoo kale duqeymo ay diyaarado dagaal ku garaacayeen fariisimaha Al Shabaab ku lahaayeen deegaankaasi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xiisad ka taagan Dhuusamareeb & ciidamo taabacsan Ahlu suna oo soo dul dagay

Caydiid Ali

Puntland oo xukuno kala duwan ku riday doonyo & Kalluumeysato ajnabi ah

Caydiid Ali

Musharaxnimada Saciid Dani oo oo wiiqday rajadii musharaxiin dhowr ah oo raja ka qabay in … !!

admin
Taboola Ads ---