Puntland oo xukuno kala duwan ku riday doonyo & Kalluumeysato ajnabi ah

Maxkamad ku taalla Puntland ayaa xukunno kala duwan ku ridday doonyo kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Yemen, kuwaasoo laga soo qabtay xeebaha maamul goboleedka Puntland.

Seddax doomood oo la soo qabtay ayaa laba kamid ah lagu xukumay ganaax lacageed, kadib markii la sheegay in lagu helay kalluumaysi sharci-darro ah, halka mida kale lagu waayey wax dembi ah, iyadoo dib loo sii daayey.

Lada doomood ee la xukumay ayaa lagu kala magacaabaa Al-Dayaa iyo Al-Lascaa, waxaana lagu kala ganaaxay $9 kun oo Dollar iyo $8 kun oo Dollar sida maxkamadu sheegtay.

Kalluunka saaran labadaas doomood ee la xukumay ayey la wareegtay Puntland, maadaama si sharci-darro ah lagu soo jillaabtay kallunkaas.

Xeebaha Soomaaliya ayaa waxaa sanad walba laga kalluumeysi sharci daro ah oo ay wadaan doonyo iyo maraakiib kala duwan, kuwaasoo la baxa kumanaan tan oo kaluun sharci daro ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
- Advertisement -