Allbanaadir.com
NEWS

Go’aamo maanta laga soo saarayo Shirka golaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho ka socday

Shirka golaha wadatashiga qaran ee madaxtooyada Soomaaliya uga socday madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa maanta lagu wadaa in lasoo gabagabeeyo.

Sida aan wararka ku helnay shirkan oo labadii maalin ee lasoo dhaafay socday ayaa looga hadlay arrimo badan oo ay ugu horeeyaan dhinaca amniga gaar ahaan howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab iyo sidii guud ahaan dalka looga bilaabi lahaa.

Madaxda shirka u dhaxeeyay ayaa inta badan isku fahmay qodobadii shirka looga arrinsanayay, waxaana socda diyaarinta war-murtiyeedka shirka oo lagu cadeenayo go’aanada ay madaxda isku raaceen.

Shirkan ay isugu yimaadeen madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa kusoo aaday xilli xasaasi ah oo dalka qeybo kamid ah ka socdaan dagaalo la doonayo in Al Shabaab looga adkaado.

Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab uu ku dhawaaqay madaxweynaha Soomaaliya ayaa hadda si rasmi ah uga socda deegaanada Hirshabelle, waxa uuna doonayaa madaxweynaha in dagaalka kawada bilowdo guud ahaan dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Putin iyo Maxamed Bin Salman oo kawada hadlay Arrin Muhiim u ah Adduunka

Cabdi Cade

Dowlada Itoobiya oo amar cusub siisay Ciidamadeeda dagaalka kula jira Tigrey

Cabdi Cade

Ra’issul Wasaare Xamse oo arrimo muhiim ah kala hadlay Madaxweynaha Jabuuti (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---