Nin Toorey ku hubeysan oo dhaawacay Ciyaartoy caan ah iyo dad kale (Sawirro)

Ciyaaryahanka kubada cagta Monza Pablo Mari ayaa wajahaya ku dhawaad ​​labo bilood oo uu garoomada ka maqnaan doono ka dib markii qaliin lagu sameeyay kaasoo yimid markii isaga iyo shan qof oo kale lagu tooriyeeyay dukaan weyn oo ku yaalla meel ku dhow Milan.

Hal qof ayaa ku dhintay weerarka kaasoo ahaa 47-jir u dhashay dalka Bolivia oo ka shaqeynayay dukaanka weyn ee suuqa laga dukaameysto ee magaalada Assago, booliska Talyaaniga ayaa sheegay in Shaqaale kale iyo afar macaamiil oo uu ku jiro Mari la dhaawacay.

isbitaalka Milan ee Niguarda ayaa sheegay in kooxdeeda dhaawacyada ay sameeyeen qaliin ay dib ugu dhiseen laba muruq oo dhaawac ah dhabarka Mari.

Qaliinka ayaa si wanaagsan u dhacay, waxaana la filayaa in daafaca uu ku sii jiro isbitaalka laba ama saddex maalmood, ayuu yiri, isagoo intaa ku daray inuu awood u yeelan doono inuu bilaabo habka baxnaaninta isla markiiba.

“Dhaawaca muruqa noocan ah wuxuu badiyaa u baahan yahay laba bilood oo nasasho ah ka hor inta uusan dib u bilaabin dhaqdhaqaaqyada jirka,” ayay tiri.

Eedaysane 46 jir ah ayaa la xiray ka dib markii uu weerarku ka dhacay dukaan weyn oo Carrefour ah laakiin ujeedku ma cadda, hase ahaatee Booliska ayaa sheegay in tuhmanuhu qabay xanuunnada dhimirka.

Sida laga soo xigtay wargeyska Il Corriere della Sera, mid ka mid ah dadkii ugu horreeyay ee soo farageliyay si looga hortago weerarka ayaa ahaa ciyaaryahankii hore ee Napoli, Inter Milan iyo Bologna Massimo Tarantino, kaasoo sidoo kale ku sugnaa dukaanka weyn.

Monza ayaa ka codsatay horyaalka kubada cagta Talyaaniga in dib loo dhigo kulankooda Seria A ee gurigooda Bologna oo loo qorsheeyay Isniinta maadaama kooxdu ay ku jirto xaalad naxdin leh”, madaxa fulinta Monza Adriano Galliani ayaa sidaas yidhi.

Mari, oo 29 jir ah oo ka ciyaara daafaca dhexe ee Isbaanishka, ayaa amaah kula jooga kooxda Premier League ee Arsenal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -