Milateriga Israel oo isaga cararay Jenin ka dib dagaal qaraar oo ku qabsaday (Sawirro)

Ciidamada Israel ayaa saaka oo Arbaco ah ku dhawaaqay in lasoo afjaray hawlgal laba maalmood socday oo ay ka wadeen degaanka Jenin ee dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, kaasoo lagu dilay 12 falastiiniyiin ah iyo hal askari oo Israa’iili ah.

Maleeshiyada Qaza ayaa gantaalo ku garaacay kadib markii ciidamada Israel ay isaga baxeen magaalada Jenin ee Falastiiniyiinta, halkaasoo ay ka fuliyeen mid ka mid ah howlgaladii ugu waaweynaa Daanta Galbeed ee la haysto muddo sanado ah.

Saacado ka hor, laba weriye oo ka tirsan wakaaladda wararka ee Reuters ayaa arkay kolonyo gaadiid ah oo ay wateen ciidamada Israa’iil oo ka baxaya Jenin, taasoo u muuqatay in la soo afjaray howlgalkii Israa’iil oo billowday subaxnimadii hore ee Isniintii.

12 falastiiniyiin ah, oo ugu yaraan shan ka mid ah ay yihiin dagaalyahano, iyo hal askari oo Israa’iili ah ayaa la dilay.

Howlgalka oo ay ciidamadu sheegeen in uu ahaa in lagu burburiyo kaabayaasha iyo hubka maleeshiyaadka ee ku jira xerada qaxootiga ee Jenin.

Xerada qaxootiga oo ay ku nool yihiin ilaa 14,000 oo qof in ka yar nus kiiloo mitir oo laba jibbaaran, ayaa ka mid ah meelaha ay ka aloosan yihiin mowjado rabshado ah oo ka dhacay Daanta Galbeed in ka badan hal sano, taasoo keentay qeylo dhaan caalami ah.

Dhowr saacadood ka dib markii ay ciidamada bilaabeen inay ka baxaan, mintidiin Falastiiniyiin ah oo ku sugan Marinka Gaza ayaa shan gantaal ku soo riday dhanka Israel, sida uu sheegay militarigu.lamana oga khasaaraha ka dhashay.

Waxaa sii kordhay talaadadii weerar baabuur iyo tooreey ay sheegteen kooxda Xamaas ee Falastiiniyiinta oo ka dhacay xarunta ganacsiga Israel ee Tel Aviv, halkaas oo sideed qof ay ku dhaawacmeen.

Xilli ciidamada Israa’iil ay ka baxayeen Jenin, ayaa waxaa weli qaraxyo laga maqlay magaalada waqooyi ee Daanta Galbeed, iyadoo la soo sheegayo in rasaas laga maqlayo agagaarka isbitaalka Jenin.

Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ayaa sheegtay in ciidamada Israel ay sunta dadka ka ilmeysiisa ku dhufteen isbitaal ay kooxahooda ka shaqeynayeen.

Milatariga Israel ayaa sheegay in aysan waxba kala socon in ciidamadooda ay rasaas ka ridayeen agagaarka isbitaal balse ay fuliyeen weerar dhanka cirka ah oo ay ku qaadeen rag hubeysan oo fariisimo ka sameystay qabuuro halisna ku ahaa ciidamadii la baxay.

“Xilligan waxaan dhameystireynaa howlgalka, waxaana dhihi karaa dhaqdhaqaaqa ballaaran ee aan ka wadno Jenin ma ahan howlgal hal mar ah,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu oo ku sugnaa bar kontorool oo u dhow magaalada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -