Madaxweyne Deni oo kulan sagootin ah la qaatay Wakiilka QM ee Soomaaliya (Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa hoyga uu ka deganyahay Muqdisho kulan sagootin ah Kula qaatay Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya, James Swan

Ergayga ayey u soo dhammaatay shaqadii diblumaasiyadeed ee uu Soomaaliya u joogay mudadii sadexda iyo barka aheyd ee la soo dhaafay.

James Swan ayaa uga mahadceliyay Madaxweynaha Puntland wada shaqeynta iyo doorkiisa hoggaamineed ee ku aadan Dowlad dhiska Soomaaliya iyo shaqada uu ka qabtay Puntland ee sida horumarka iyo hirgelinta dimuqraadiyadda

.Sidoo kale Madaxweyne Deni ayaa Danjire James Swan uga mahadceliyay doorkii uu ka qaatay marxaladihii kala duwanaa ee Soomaaliya soo martay intuu Xafiiska joogay, sida Amniga, Arrimaha baniā€™aadantinimo iyo dadaalada Dowlad wanaaga, wuxuuna ku maamuusay Hadyad.

- Advertisement -