Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dabkii caawa ka kacay Suuqa Bakaaraha oo sii xoogeystay iyo Gurmad soconaya (Daawo)

Waxaa sii xoogeysanaya dabkii caawa 11:00am ee habeenimo ka kacay qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Dabka oo la sheegay inuu ka bilowday sandaqad yar ayaa haatan muuqda inuu faraha ka baxay, isagoo ku sii fidaya qeybo kale oo suuqa ka mid ah sida qeybta maacuunta.

Dadweyne fara badan oo iskugu jira ganacsato doonaya iney badbaadiyaan hantidooda  iyo dad kale ayaa suuqa buux dhaafiyey.

Dabeylo ka jiray maalmahan magaalada Muqdisho ayaa la sheegay iney xaalada dabka uga sii darayaan.

Gaadiidka Dowladda Hoose ee Xamar, Ganacsatada iyo Taliska Boliiska gobolka ayaa ku howlan daminta dabka caawa oo ka bilowday qeybta Dahablaha, Suuqa Weyn ee Bakaaraha, waxaana socda gurmad xoogleh.

Taliyaha Qeybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir G/le sare Mahdi Cumar Mumin ayaa goordhow gaaray Qeybta dahablaha ee Suuqa Bakaaraha oo gubaneysa, waxaana uu faray kooxaha gurmadka ee ku howlan daminta dabka in ay laba jibaaraan dadaalkooda si hantida dadka loo badbaadiyo.

Sandaqado fara badan oo laga dhisyay jidadka Suuqa galaya ayaa adkeeyey in gaadiidka dab dembiska ay gaaraan gaabta uu dabku ka socdo waxaana aad u cakiran xaalada Suuqa.

Ciidamada amaanka  ee sugaya amniga ayaa rasaas cirka u ridaya, iyagoo ka wareersan sidii ay u kala saari lahaayeen ganacsatada hantida leh iyo dad tuugo badan oo doonaya iney wax boobaan.

HOOS KA DAAWO XAALADA SUUQA   

LA SOCO WIXII SOO KORDHA..

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Nin Gacmo laawe ah oo wacdaro ka dhigay ciyaaraha kubadda Miiska (Sawirro)

Cabdi Cade

Duqa Muqdisho oo magacaabay Saddex guddoomiye degmo uu ku jiro Nin caan ka ah baraha bulshada

Cabdi Cade

Maamulka G/Banaadir oo ansixiyay Miisaaniyad u gaar ah Sanadka 2020 (Sawirro)

Caydiid Ali