Qorax Madoobaad beri laga arki doono meelo ka mid ah caalamka iyo Somalia oo..

Qorax madoobaad saameyn doona qeybo ka mid ah caalamka ayaa la filayaa inuu dhaco maalinta beri oo ku beegan 25ka Oktoobar sida ay sheegayaan heyadaha ku xeeldheer culuunta hawada sare.

Meelaha ugu daran ee laga arki doono qorax Madoobaadkan ayaa waxaa ka mid ah Ruushka, Ukraine, Kazakhistan iyo Wadamada Yurub intooda badan isagoo socon doona ugu badnaan Muddo laba saac iyo daqiiqado sida ay sheegtay Heyadda NASA.

Qorax Madoobaadkan Somalia si gaar ah dhanka waqooyi ee Somaliland, Putland, Ä°laa Hiiraan ayaa laga arki doonaa.

Magaalada Hargeysa ayuu qorax madoobaadkani ka bilaabanayaa duhurkii saacadu marka ay tahay 02:24pm waxaa uuna joogsanaya Salaada casirkii 03:04 sidoo kale degaanada Puntland ayaa muddo kooban laga arki doonaa sida ay sheegayaan Seynisyahanada.

Magaalada Beledwayne muddo 25 daqiiqo ah oo kaliya ayuu qorax mdoobaadkani socon doonaa. Wixii Koonfur ka xiga Hiiraan, sida magaalada Muqdisho lagama arki doono qorax madoobaadkani.

Sida ay sheegaan culimada ku xeeldheer Cilmiga hawada sare qoraxda ayaa madoobaata, marka iftiinkeeda iyo dhulka uu kala dhex galo Dayaxa, muddo kooban, waxaana dib u soo laabta iftiinka qoraxda marka dayaxu uu ka dhex baxo dhulka iyo qoraxda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -