Allbanaadir.com
NEWS

Ganacsade Caawa lagu dilay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Kooxo hubeysan ayaa caawa degmada Xamar-weyne ee gobolka Banaadir ku dilay ganacsade caan ka ahaa gudaha degmadaas.

Dilkan ayaa ka dhacay Suuq-yaraha Koodka ee ku yaalla gudaha degmada Xamar-weyne oo marxuumka la dilay uu ku lahaa dukaan.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in ragga dilka geystay oo ka koobnaa labo nin oo wada socday ay goobta ka baxsadeen, waxaana halkaas isugu soo baxay dilka ka dib shacab fara badan.

Ninka la dilay oo magaciisa la oran jiray Muuse Yackood ayaa waxaa la sheegay inuu ka ganacsan jiray cuntooyinka qasacadeysan ee ay isticmaalaan ciidamada AMISOM, waana taas sababta loo badinayo in naftiisa loo dhaafiyey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowlada Somalia oo maanta si buuxda ula wareegeysa Ciidamada Imaaraatka u tababareen

Cabdi Cade

Hoggaamiyihii Ururka Daacish oo la dilay iyo Kooxdaasi oo War kasoo saartay geeridiisa

Cabdi Cade

Madaxweyne Biixi oo ka hadlay Go’aan cusub ay gaareen Xisbiyada UCID iyo Waddani (Sawirro)

Cabdi Cade