Muxuu yahay qorshaha DF ugu talo gashay degaanada cusub ee gacanteeda soo galay?

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Beena-beena ayaa guddoomiyay shirkii saddexaad ee Guddiga Hagidda Qaran (GHQ) ee barnaamijka horrumarinta maxalliga iyo dhaqaalaha loo dhan yahay (ILED).

Wasiir Beene Beene oo faah-faahiyay qodobada looga hadlay shirkan ayaa soo bandhigay muhiimadda ay leedahay in deegaanada laga saaray Al-Shabaab laga hirgaliyo xarumo Caafimaad, mida maamulka iyo Saldhigga ciidanka, si adeegyada dowladda hoos loogu sii daadajiyo dadka.

“Maanta waxaan xoogga saarnay mashaariicda xasilinta (Stabilization Projects), madaama dalka uu dagaal ku jiro. Meelaha laga saaray kooxaha argagixisada, dadku waxey u baahan yihiin dib u dejin, sidoo kale goobahaasi waxey u baahanyahiin in loo dhiso xarumihii lagu deegaameyn lahaa sida xarunta maamulka, adeegyada caafimaadka iyo in la furo saldhigyada booliska” ayuu yiri Wasiirka.

Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maxamuud  Cabdiraxmaan Beena-beena oo ka hadlayay Mashruuca ILED ayaa raja wanaagsan ka muujiyay inuu mira dhal noqdo, iyadoo ay iskaashi la yeelanayaan maamul goboleedyada.

“Mashruuca ILED waxa uu bilaha soo socda uu awoodiisa isugu geeyn doonnaa in mashaariicda xasilinta laga mira-dhaliyo dowlad goboleedyada dalka, iyada oo la gaarsiinayo shacabka Soomaaliyeed ee aan helin adeegyada dowladda qeybaheeda kala duwan.” ayuu hadalkiisa sii raaciyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -