Allbanaadir.com
NEWS

Maxkamad xukun adag ku riday Madaxweynihii hore ee Koonfur Kuuriya (Daawo Sawirro)

Madaxweynihii hore ee Kuuriyada Koonfureed Park Geun-hye ayaa lagu xukumay 24 sano oo xabsi ah ka dib markii lagu helay dambi ah inay ku takrifashay awoodda iyo dambiyo kale, waxaana xukunka maxkamada si toos ah looga baahiyay warbaahinta.

Fadeexadda soo wajahday Madaxweynihii hore ayaa ruxday Kuuriyada Koonfureed, waxayna hurisay caro ka dhan ah siyaasiyiinta iyo ganacsatada caanka ah.

Park Geun-hye ma aysan soo xaadirin marka ay maxkamaddu jeedinaysay go’aanka.

Maxkamadda ayay isaga joogtay waxayna ku eedaysay inay ka xaglinayso.

Xukunka maxkamadda ayaa si toos ah loo baahiyay Jimcihii, arrintaas oo ahayd mid aan horay loo filaynin ayaa dhalisay xiiso badan oo ay dadku muujiyeen si ay ula socdaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com
  

Related posts

Xiliga Ciidamada Itoobiya bilaabayaan iney ka baxaan xadka Eritreya oo la shaaciyey

Caydiid Ali

Rooble oo ka qeyb galay gebogebada Doorashada Xildhibaanada Gobolada Waqooyi (Sawirro)

Cabdi Cade

Waddo Muhiim ah oo kutaalla Muqdisho oo dib loo dhisayo (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---