Qaar ka tirsan raggii weeraray xabsiga Boosaaso oo la soo bandhigay, Xog sir ahna bixiyey

Maamulka Puntland ayaa soo bandhigay qaar ka tirsan Xoogagii Alshabaab ee weeraray xabsiga magaalada Boosaaso iyo qaar kamid ah maxaabiistii ka baxsatay xabsigaas ee ka tirsanaa Alshabaab balse markii dambe la soo qabtay.

Weerarkii xabsiga Boosaaso ayaa kamid ahaa weeraradii ugu xoogganaa ee Alshabaab ay ka geystaan Puntland, waxaana u suurto gashay in la baxaan saraakiil muhiim ah oo muddo dheer xirnaa iyo kuwa dil sugayaal ah oo horey loo xukumay.

Xubnaha la soo bandhigay ayaa bixiyey xogo badan oo ku saabsan sidii loo qorsheeyay weerarkii Al-shabaab kula wareegeen xabsiga Boosaaso oo ujeedkiisu ahaa sii deynta maxaabiis halkaas uga xirnaa.

Waxay xuseen in sababaha fududeeyay weerarka xabsiga ay ka mid aheyd ka dib markii Maxaabiista Al-shabaab loo oggolaaday isticmaalka taleefoonada.

Sidoo kale waxay sheegeen xog yaab leh oo sheegeysa in Al-shabaab ay bil walba lacag dhan kun dollar u soo diri jiray Maxaabiista taasoo lagu soo hagaajin jiray sarkaal ka tirsan maamulka xabsiga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -