Guddoomiyaha Sh/hoose oo dhaliilay booqashada Farmaajo ku tegay Magaalada Marko

Guddoomiyaha gobolka Sh/Hoose Maxamed Ibraahim Xasan ayaa dhaliilay booqashada Madaxweynaha Somalia uu tagay magaalada Marko, isagoo xusay inaan lagu soo wargelin.

Wuxuu sheegay Maxamed Ibraahim ilaa hadda in uusan garan karin sababta loogu soo sheegi waayay maadaama uu yahay guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose.

“Waxaan ka war helay iyadoo la leeyahay Madaxweynaha ayaa tegay Marko, waxay aheyd in la igu soo wargeliyo aniga maadaama aan ahay guddoomiyihii gobolka balse ma dhicin sababta ma garan karo” ayuu yiri Gudoomiyaha oo la hadlayey warbaahinta gudaha qaarkood.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta safar aan la sii shaacin oo kedis ahaa ku tagay magaalada Marko ee gobolka Shabeellaha Hoose, wuxuuna booqday ciidanka xoogga dalka guutada 14-ka October.

Farmaajo iyo xubnaha la socda ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socda ay dib ugu soo laabtaan magaalada Muqdisho.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -