Lacagihii Canshuuraha ee laga qaadi jiray guryaha kuyaalla Muqdisho oo Amar lagu joojiyay

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa wareegto uu maanta soo saaray ku amray in la joojiyo dhammaan lacagaha canshuuraha ee laga qaado guryaha iyo daaraha kuyaalla Muqdisho.

Wareegtada uu soo saaray guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa lagu wargaliyay maamulada degmooyinka iyo shirkad qaabilsaneed qaadista lacagaha canshuuraha guryaha in ay si KMG ah u joojiyaan qaadista lacagaha canshuuraha.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir wareegtada uu soo saaray ayaa lagu sheegay in wax canshuur ah la qaadi karin ilaa laga gaaro bisha december ee sannadkan, waxa uuna xusay inta ka horey in lasii dioyaarinayo nidaamka qaadista canshuuraha guryaha iyo daaraha.

Maamulada degmooyinka gobolka Banaadir oo kaashanayay shirkad gaar loo leeyahay ayaa si nidaam darro ah lacago canshuuro ah uga qaadayay guryaha iyo daaraha waa weyn ee kuyaalla degmooyinka gobolka Banaadir.

Guryaha qaar ayaa iyada oo sannad dhammaan labo mar laga qaadaylacago  canshuur lagu sheegay , taa oo bulshada ku jahwareereen ayna waayeen cid ay uga cabtaan lacagaha canshuuraha oon laheyn nidaam iyo waqti saxan oo la jaangooyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -