Madaxda DF iyo kuwa Dowlad Goboleedyada oo shir degdeg yeelanaya iyo ajandaha Shirka oo..

Shir degdeg ah oo ay isugu imaanayaan madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ku furmo xarunta Madaxtooyadda Soomaaliya ee Muqdisho.

Sida aan wararka ku helnay xarunta madaxtooyada Soomaaliya ayaa casuumadda shirkan u kala dirtay madaxda dowlad goboleedyada, kuwaa oo la filayo in magaalada Muqdisho soo gaaraan si ay shirka uga qeyb galaan.

Shirkan oon wali si rasmi ah loo shaacin maalinta uu furmayo iyo inta uu soconayo ayaa diirada lagu saari doonaa arrimo dhoor ah ay kamid yihiin dardargelinta dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab iyo sidoo la isaga kaashan lahaa dagaalka kooxdaasi ka dhanka ah.

Waxaa sidoo kale shirka inta uu socda looga wada hadli doonaa sidii wada shaqeyn dhaw u yeelan lahaayeen dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada iyo sidii xal looga gaari lahaa khilaaf ka jira arrimaha shidaalka.

Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dooneysa in wada shaqeyn dhaw la yeelato maamul goboleedyada dalka ka jira, kuwaa oo saluugsan qaab maamulka madaxtooyada gaar ahaan maamulada Puntland , Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -