Abaandulaha Ciidanka Xoogga dalka oo gaaray Magaalada Beled-weyne (Daawo Sawirro)

Saraakiil uu horkacayay abaandulaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaliyeed Generaal Odawaa Yuusuf Raage oo ay qeyb ka ahaayeen xubno ka socday Xafiiska Ra’iisal wasaaraha iyo xubno kale oo ka socday Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga dalka Generaal Maxamuud Macallim Koronto ayaa ujeedka socdaalka Abaanduulaha ku sheegay iney tahay tirakoob lagu sameeyo Ciidanka Xoogga dalka si ay akoono ugu qaataan mushaharkooda iyo waliba awooda ciidanka.

Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa kormeeray qeybaha uu ka kooban yahay taliska guutada 5-aad ee Xoogga dalka Soomaaliyed ee ka howlgala  gobolka Hiiraan,isagoona u kuur galay xaaladda ciidanka ay ku shaqeynayaan.

Gaba-gabadi kormeerka waxaa warbahinta la hadlay taliyaha qeybta 27-aad  ee xoogga  dalka Soomaliyed Generaal Maxamuud Macallim Koronto,wuxuuna sheegay muhiimadda ugu weyn ee socdaalka Abaanduulaha Ciidan Xoogga dalka ay tahay in la ogaado tirada saxda ah ee Ciidanka Xoogga ee ka howlgala gobolka Hiiraan si hadda wixii ka danbeeya mushaharkooda akoonadooda ay ugu qaataan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -