Maxaa ka dhacay degaanka Masaajid Cali-guduud? (DF oo War soo saartay)

Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Gen Cabdullaahi Cali Caanood ayaa faahfaahin ka bixiyay howlgal ay maanta Ciidamada Xoogga oo kaashanaya dadka degaanka kula wareegeen degaaanno iyo Tuullooyin ka tirsan Gobolka Shabeellaha dhexe

Gen. Caanood ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka oo kaashanaya dadka deegaanka ay Al-shabaab ka saareen degaanka istaraatiijiga ah ee Masaajid Cali-guduud iyo tuulooyinka kala ah Quruc Madoobe iyo Aqab-duco oo hoostaga degmada Mahadaay.

Waxaa uu xusay in Al-shabaab ay markii hore isaha baxeen Masaajid Cali-guduud hase ahaatee markii ay ciidamadu galeen ay soo qaadeen weerar rogaal celis ah oo uu xusay in lagu jebiyey, lagana qabsaday gaari weyn oo uu saaran yahay qoriga Zuuga loo yaqaan.   

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa tilmaamay in Ciidamada ay ku raad joogaan firxadka al shabaabkii isaga carraray deegaannada ay maanta gaareen ee ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe.

Afhayeenka ayaa xusay in howlgaladam aysan joogsan doonin inta Al-shabaab laga saarayo dalka oo dhan, wuxuuna xoogaga u dagaalamaya Al-shabaab ugu baaqay iney isku dhiibaan ciidamada dowlada hadii kale wajihi doonaan xabad.

Wali waxaa socdo hawlgalo saf ballaaran ah oo ka dhan ah Al-shabaab, iyadoo maanta howlgallo ay Magaalada Moqokori ee Gobolka Hiiraan ka sameeyeen Ciidamada Xoogga ku dileen laba xubnood oo ka tirsanaa kooxdaas.

- Advertisement -