Allbanaadir.com
NEWS

Jadwalka Dhageysiga kiiska Dacwada Badda ee u dhaxeeya Somalia & Kenya oo lasoo saaray

Maxkamadda cadaaladda Adduunka ee ICJ  ee fadhigeedu yahay dalka Holand ayaa soo saartay Jadwalka uu ku socon doono dhageysiga dacwada badda ee u dhaxeysa dowladaha Soomaaliya iyo Kenya .

Dhageysiga dacwada badda ee u dhaxeeya labada dal oo mudo soo socday ayaa maxkamada ka bilaaban doonta 16-ka bishan, waxaana labada dal kiiskan ku matali doono qareeno ay soo kireesteen .

Maxkamnada ICJ ayaa sheegtay in wareega koobaad ee dhageysiga dawcada badda ee u dhaxeysa Soomaaliya Kenya uu socon doono inta u dhaxeysa 15-ka illaa 19-ka bishan March ee sanadka 2021-ka.

Wareega labaad ee dhageysiga kiiska dacwadda badda ee isku hayaan Soomaaliya iyo Kenya ayaa isna socon doono sida maxkamada shaacisay 22-ka,  March ilaa  24-ka bishan March.

Halakn ka Akhriso Jadwalka uu ku socon doono dhageysiga Dacwada badda

1- Wareega Koowaad

Monday 15 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Somalia)
Tuesday 16 March 2021 3 p.m.-4.30 p.m. (Somalia)
Thursday 18 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Kenya)
Friday 19 March 2021 3 p.m.-4.30 p.m. (Kenya)

2- Wareega Labaad.

Monday 22 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Somalia)
Wednesday 24 March 2021 3 p.m.-6 p.m. (Kenya)

Dalka Holland ay ku taalo maxkamada caalamiga ee ICJ waxaa ku sugan masuuliyiin katirsan dowlada federaalka Soomaaliya iyo qareenadii dowlada u qabsatay in kiiskan maxkamada ka difaacaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Daawo: Halis aan laga warqabin oo ka soo shaac baxday Isbitaalada Muqdisho qaarkood

Caydiid Ali

Soomaaliya Dhulkii Hodantinimada iyo Dheemanta ee Musharaxiinta badan ku hardamayaan !

Cabdi Cade

Daawo: Gudoomiyaha degmada Jalalaqsi oo ka hadlay qaraxii uu ka badbaaday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---