Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Garsoore la afduubtay isagoo ku dhex sugan Maxkamad ku taalla degmada Katsina

Garsoore u dhashay dalka Nigeria ayaa lagu dhex afduubtey gudaha maxkamad ku taalla gobolka waqooyi ee Katsina.

Garsoorahan oo katirsanaa Maxkamadda Shareecada, kaasoo lagu magacaabo Alhaji Husaini Sama’ila, ayaa la sheegay in la afduubtay galabtii Talaadada, kadib markii ay xoog ku soo galeen Maxkamadda dabley hubeysan.

Ma cadda sababta garsooraha uu ugu sugnaa maxkamadda gudaheedda, xili dadka ka shaqeeya garsoorka dalka oo idil ay ku dhaqaaqeen shaqo joojin.

Afhayeen u hadlay booliska ayaa u sheegay wargeyska Punch in garsooraha in “cidna aysan ka war qabin booqashadiisa maxkamadda”.

Waxaa uu intaas ku daray in maxkamadda mar hore loo raray magaalo kale nabadgelyo darro darteed, iyadoo Katsina ay ka mid tahay gobollada sida xun ay u saameeyeen weerarada ka dhaca gobolka waqooyi.

Related posts

(Sawirro) Rooble oo caawa la kulmay qaar ka mid ah Madaxda dowlad goboleedyada

Caydiid Ali

Magaalo ka tirsan Somalia oo laga digay in doorasho lagu qabto & ciidamo ka tirsan DF..

Caydiid Ali

Mucaaradka oo ku dhawaaqay dibad-baxyo cusub & Cabsi mar kale soo wajahday..

admin
Taboola Ads ---