Ciidamada Dowladda oo kaabiga ku haya Deegaan Muhiim ah oo Al Shabaab joogaan

Ciidamada milatariga Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa deegaanka ayaa lagu soo waramayaa in kaabiga ku hayaan deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeelaha Dhaxe, halkaas ay maamulaan kooxda Al Shabaab.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ah ay ku sugan yihiin duleedka deegaanka Masaajid Cali Gaduud ayna qorsheenayaan qaabkii ay deegaankaasi ula wareegi lahaayeen.

Saraakiisha ciidanka hoggaamineysa ayaa sheegay in goordhaw filayaan in si buuxda ula wareegaan deegaabnka Masaajid Cali Gaduud, waxa ayna sheegeen saraakiisha in howlgalka uu yahay mid ay ku doonayaan in Al Shabaab guud ahaan gobolka ka saaraan.

Dadka deegaanka ayaa kusoo waramaya in deegaanka Masaajid Cali Gaduud wali joogaan dagaalyahano katirsan Al Shabaab, waxaana deegaanka lasoo sheegayaa in uu ka socdo barakac ay sameenayaan dadka shacabka qaarkood.

Deegaanka Masaajid Cali Gaduud ayaa fariisin muhiim ah u ahaa Al Shabaab, waxaana dhawwaan deegaankaasi Al Shabaab kusoo bandhigeen dadka deegaanka qaarkood oo hubeesan kuwaa oo ku hanjabayay in deegaanka difaacanayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -