Madaxweyne Xasan Sheekh oo Xariga ka jaray Dhismaha Dekedda Garacad (Sawirro)

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa  xarigga ka jaray wajiga koowaad ee dhismaha Dekedda Garacad ee Gobolka Mudug.

Munaasabadda xariga looga jarayay dekadda Garacad waxaa ku sugnaa oo lagu casuumay masuuliyiin kala duwan oo katirsan dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo kuwa ka socday dowladaha Itoobiya iyo Kenya.

Dekadda Garacad oo lagu dhisay qaab isku tashi ah ayaa lagu guuleestay in la dhameestiro wajiga koobaad ee dhismaheeda, waxaana dekadan horey u diiday in ay dhagax dhigaan masuuliyiin katirsan dowladdii Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaana nasiib u yeeshay in uu xariga ka jaro  wajiga koowaad ee dhismaha Dekedda Garacad, waxaana dekadan si weyn uga faa’iideesan doona dadka ku dhaqan gobolada dalka qaarkood.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -