Sheekh Aadan Madoobe oo la kulmay Boqor Albert Félix Marie (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa lagu soo dhoweeyay Aqalka Boqortooyada dalka Luxembourg waxa uuna la kulmay Boqor Albert Félix Marie Guillaume oo Luxembourg Maamula.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo uga mahad celiyay soo dhaweynta loogu sameeyay Aqalka Boqortooyada dalka Luxembourg isaga iyo wafdigiisa ayaa xusay in la adkeeyo xoojinta xirirka labada dal ee Boqortooyada Luxembourg iyo Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Sidoo kale guddoomiyaha iyo boqorka ayaa ka wada hadlay abaaraha saameeyay dalka islamarkaana dad badan oo isugu jira xoolo dhaqato iyo beeralay ay ku hanti beeleen abaaraha awgeed, ayuu Guddoomiye Sheekh Aadan tilmaamay sidii ay gacan uga geeysan laheyd Dowladda Luxembourg.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -