Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Golaha Wasiirada Somalia oo kulan xasaasi ah ku yeeshay Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoomiyay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada XFS oo ku qabsoomay habka fogaan aragga.

Rooble ayaa shirka uga warbixiyay halka ay marayaan dadaallada iyo wadahadallada arrimaha doorashooyinka dalka ee u dhexeeya Dowladda Federaalka ah, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa shirka Golaha Wasiirrada siiyay Warbixin la xiriirta Dacwadda Badda Soomaaliya ee dhawaan ay dhageysatay Maxkamadda Caddaaladda Adduunka.

Shirka ayaa sidoo kale lagu dhageystay warbixinno la xiriira amniga dalka iyo dadaallada dowladdu ku xakameyneyso caabuqa COVID-19 iyo qodobbo kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ma Ra’isul Xasan Cali Kheyre ayaa lagu badalayaa Ex Ra’isul Cali Maxamed Geedi?

Cabdi Cade

Shaneemo Casri ah uu maal galiyay Nin Carab ah oo laga furay Jabuuti (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamanka Somalia oo goor dhow geeriyooday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---