Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Markabkii ugu horeeyey ee sida badeecado ganacsi oo ku xirtay dekeda Garacad (Sawirro)

Markab xamuul ah oo sida badeecad ganacsi ayaa markii u horraysay maanta ku xirtay dekedda Garacad ee Gobolka Mudug.

Inkastoo dekedda ay horey ugu soo xirteen maraakiib qalab dhisme u siday isla dekeda haddana markabkan waa kii u horreeyay ee badeecad ganacsika dejinaaya dekedan.

Markabkan oo lagu magacaabo AK Hamburg ayaa si nabdoon ugu xirtay dekedda si uu u dejiyo badeecadaha ganacsi ee uu sido oo ay leeyihiin ganacsato reer Puntland ah.

Dhismaha Wejiga koowaad ee dekedda Garacad oo la dhameystiray ayaa lagu wadaa in Sabtida berri ah la daah-furo waxaana ka qayb-galaya wufuud kala duwan.

Madaxweynaha Somalia Xassan Shiikh Maxamuud, Madaxweynaha degaanka Soomaalida Mustafe Cagjar iyo wufuud kale oo ka socita dalalka gobolka ayaa lagu casuumay furitaanka dekeda oo lagu dhisay isku tashi dadweyne.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Dowladaha Soomaaliya & Cumaan oo kala saxiixday heshiis Iskaashi (Sawirro)

Caydiid Ali

Weerar dil & dhac kulansaday oo caawa ka dhacay duleedka Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Erdogan oo shuruud kale oo adag ku xiray dalabka Sweden ee ku biirista NATO

Caydiid Ali
Taboola Ads ---