Koronto la’aan baahsan oo soo wajahday dal ka tirsan Yurub ka dib markii..

Dowlada Ukraine ayaa bilowday iney xaddido isticmaalka korontada, iyada oo ka falcelinaysa weerarada Ruushka ee waxyeelleeyey qaybo ka mid ah kaabayaasha korontada ee dalkaas.

Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa shacabkiisa ku boorriyey inay si xikmadaysan u isticmaalaan korontada.

Wuxuu sheegay in dawladdiisu ay ka shaqaynayso sidii ay u abuuri lahayd “adeegyo koronto oo wareega, si tamar loo siiyo kaabayaasha muhiimka ah ee magaalooyinka iyo tuulooyinka.

Hawlwadeenada Khadka korontada ee Ukraine ayaa sheegay in xakamaynta adeegyada tamartu inay bilaabmi doonaan 7am (subaxnimo) illaa 11 pm (habeenimo). Hawlwadeenada korontada ayaa sheegay, in maadaama uu soo socdo xilligii qaboobaha ahaa, inay u baahan tahay in markale dib loo eego tallaabooyinkan.

Dhinaca kale, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa Arbacadii kulan gaar ah yeeshay, ka dib codsi ka yimid Maraykanka, Ingiriiska iyo Faransiiska, si ay uga doodaan arrinta ku saabsan in Ruushku uu u adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Iran dagaalka uu ka wado Ukraine.

Washington, London iyo Paris ayaa sheegay in diyaaraha aan duuliyaha lahayn ee ay Tehran siisay dalka Ruushka inay ka hor imanayso qaraarka golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay 2231, kaasoo dhigaya in alaabooyinka qaar ee la geynayo ama laga soo dhoofsanayo dalka Iran in Golaha Ammaanku uu ansixiyo.

Saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee loo adeegsaday weeraro todobaadkii la soo dhaafay lagu qaaday qaybo badan oo dalkaas ah oo ay ku jirto caasimadda Kyiv, inay ahaayeen nooca Shahed-136 ee Iran ay samaysay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -