Allbanaadir.com
NEWS

DEG DEG: Guddoomiyihii degmada Jalalaqsi oo ku dhintay qaraxii ka dhacay degmadaas

Guddoomiyahi degmada Jalalaqsi Maxamed Dabaashi iyo Masuuliyiin kale ayaa la soo sheegaya iney ku dhinteen qaraxyadii galabta ka dhacay degmadaas.

Qaraxa ayaa la sheegay in loo adeegsaday gaari waxyaabaha laga soo buuxiyey oo lagu weeraray xarun ay degmadaas ku leeyihiin ciidamada ATMIS ee ka socda Jabuuti.

Geeridiisa ayaa waxaa xaqiijiyey Madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble

“Allaha u naxariisto Guddoomiyihii hore ee Degmada Jalalaqsi Maxamed Nur Cagajof – Dabashe ayaa ku dhintay qarax ka dhacay degmada Jalalaqsi. Intuu ifka uga tagayna samir iyo iimaan Allah ka siiyo” ayuu Cali Cabdullaahi Cosoble oo qoraal soo dhigay baraha bulshada.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay qaraxan kaasoo soo gaaray askar iyo dad shacab ah oo goobtaas ka dhowaa

Qaraxan ayaa dhacay wax yar ka dib markii qarax weyn oo gaari loo adeegsaday lagu burburiyey buundadii degmada Buulo Burte oo isku xireysay magaalada Muqdisho iyo gobolada dhexe.

 

Related posts

Lamaane lagu eedeeyay in Xiriir la leeyihiin Al Shabaab oo la xiray (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

War Deg Deg Ah: Sadex Wasiir oo xilka laga qaaday iyo kuwa cusub oo la magacaabay (Akhriso Magacyada)

admin

Tirada Shacabka Falastiin ee lagu xasuuqay magaalada Gaza oo Korortay iyo Caalamka oo…

Cabdi Cade
Taboola Ads ---