Soomaaliya oo la sheegay inay qarka u saaran tahay musiibo aan la arag (Sawirro)

Sida uu sheegay afhayeen u hadlay hay’adda UNICEF Hal qof oo ilmo yar ah ayaa daqiiqad kasta la seexiyaa isbitaallada daawaynta nafaqo-darrada Soomaaliya.

Arrintan ayaa loo aaneynayaa abaar ba’an oo khatar ah sababtayna dhimashada carruur heerka dhimashadooda aan la arkin nus qarni.

James Elder oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Geneva ayaa sheegay in xaaladda Soomaaliya ay haatan u muuqato mid ka sii liidata sidii ay ahayd sanadkii 2011-kii, markaas oo ay macluul u dhinteen inka badan 250,000 oo qof.

Afhayeenka UNICEF ayaa sheegay in Soomaaliya ay qarka u saaran tahay musiibo aan la arag.

“Iyadoo tobannaan sano oo colaado ah, jahawareer cimilo oo soo noqnoqday iyo cudurro dillaacay ay jireen, xaaladda bini’aadannimo ee Soomaaliya waxay horraanba sii ahayd khatar iyadoo tirada dadka Soomaaliyeed ee u baahan gargaarka bini’aadannimo iyo difaaca ay sare u kacday boqolkiiba 30 sanadkan marka la barbar dhigo 2021 oo lagu qiyaasay 7.7 milyan taasina waxay ahayd ka hor saamaynta abaarta haatan” ayuu yiri James Elder.

“Hadda, xaaladdu way ka sii dartay. Abaartu waxay xaalufisay dalaggii, xooluhuna biyo iyo daaq la’aan ayey u dhimanayaan, taasoo keentay in dad badan oo xoola dhaqato ah ay waayaan isha kaliya ee ay wax ka heli jireen” ayuu intaas ku daray afhayeenka.

Waxaa uu sheegay In ka badan 80 boqolkiiba dalka guud ahaan uu yahay mid engagan, biyaha iyo qiimaha cuntada daruuriga ahna uu ku yimid qiimo koror aad u weyn. Saadaasha hawada ayu sheegay iney tahay mid aan la hubin, iyadoo saadaasha cimiladu ay tilmaantay celcelis ka hooseeya xilli roobabka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -