Saciid Ciise: “Siyaasiyow ka digtoonow dhagarta dagaal siyaasadeedka Sokeeye”

Siyaasiyow ma hubtaa waxa aad faleysid xiliga kala guurka inuusan feeraha doc kaaga faruurin!!! Siyaasiyow yeysan ku mashquulin dhagarta laga aloosayo qalalaasaha laga curinayo gobolada.

Soomaaliya lix bilood ka dib waxaa ku soo socta inqilaab xukunka dib loogu soo celinayo Farmaajo, inta ka horeysana madadaalinta doorashada waxaa isjiidjiidkeeda garwadeen ka ah Mr. Rooble. Inta ka sii horeysana iscadawsiinta mucaaradka waxaa hogaanka u qaban doona damac gelinta sirdoonka Qatar. Inta ka sii horeysana cududa iyo ciidanka waa Itoobiya iyo Eriterea si kasta oo xaaladoodu u liidato.

Sida hawlahaas loogu talogalay iney u fusho waxey marka hore ku xiran tahay fahad iyo Farmaajo in gobolada dhexdooda marka hore la isku mashquuliyo iyo in siyaasiyiinta ceebahooda ay arkaan taageereyaashooda marka ay ku dhex milmaan xasaradahaas ama ay awoodi waayaan wax ka qabashadooda, taasoo muujineysa hogaan xumidooda.

Wakhtiga doorashada oo sii dheeraada iyo xasarado meelo badan ka hura waxey sabab u noqon karaan siyaasiyiin badan oo ku dhex kufa gufaacooyinka mowjadaha colaadeed ee dagaal siyaasadeedka sokeeye.

In indhaha laga jeediyo doorashada, loona jeediyo qalalaasaha iyo dagaalada laga hurinayo gobolada waa xeelada lix bilood loogu qorsheeyey afgembi ka hufan inuu dhicisoobo.

Shaxda bilowgeeda waa in iska soo horjeed cadawtooyo la kala dhexdhigo Sheikh Sharif iyo Xassan Sheikh, khilaafkoodana uu Hirshabeele  dagaal ka dhex dhaliyo, cadowtooyana u soo xawila Muqdisho oo siyaasiyiintii halka dhinac u wada jeedey u kala jejebiya kuwo kala taageersan labada dhinac iyo kuwo isaga hara halganka.

Sidoo kale waxaa Galmudug horyaala xujooyin kala furfuraya siyaasiyiintii isku dhinaca ahaa oo cadawtooyada iyo dagaalka Galmudug ku kala irdhoobaya. Jubbaland, Puntland, iyo Koofurta Galbeed waxaa gacmo gacmeysanaya Itoobiyaanka oo duulaankoodu ku wajahan yahay goboladaas, meesha Muqdisho loogu talo galay maleeshiyaad aan heybtooda cidna garaneyn iney qeybsanaanta siyaasiyiintooda uga faa’ideystaan garabsiinta garab lagu jebiyo garbaha kale, iyagana ugu dambeysta haraadiga kuwii kale lagu jebiyo.

Prof. Saciid Ciise Maxamuud 
Guddoomiyaha xisbiga Dadka ahna 
Musharax u taagan xilka Madaxweynaha Somalia

- Advertisement -