Allbanaadir.com
NEWS

Ciidanka Xoogga dalka oo Al-shabaab kala wareegay degaano ka tirsan Sh/dhexe

Ciidamada Xoogga dalka ayaa la soo sheegayaa iney Al-shabaab kala wareegeen degaano ka tirsan gobolka Sh/dhexe sida ay sheegeen saraakiisha ciidankaas.

Saraakiisha ayaa xusay iney si buuxda ula wareegeen tuulooyinka Warkulan, Bakajeex, Gaaleef, Warciise, Qoordheere iyo Jilableey kuwaasoo dhammaantood ku yaala inta u dhaxaysa magaalada Jowhar iyo degmada Raageceele.

Al-shabaab ayaa la sheegay iney isaga baxeen inta badan degaanadan laga saaray, markii ay ka war heleen duulaanka ku soo wajahan, lamana soo sheegin iska horimaadyo waaweyn oo dhacay.

Deegaanadaan ayaa ahaa kuwa muhiim ah, waxaana howlgalkaan uu qayb ka yahay howlgalka la isugu furayo degmooyinka Gobolka Sh/Dhexe.

Saraakiisha ayaa xusay i howlgalku uu weli socda ayna saacadaha soo socda ku wajahan yihiin degaano kale ee  ay gacanta ku hayaan Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Deni oo balanqaad culus u sameeyey Guddiga TPEC ka dib doorashadii Puntland

Caydiid Ali

Weerar Baangad loo adeegsaday oo ka dhacay magaalada Paris (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Xiliga kama dameysta ah ee loo qabtay Milateriga qabsaday Niger oo dhamaaday (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---