Mareykanka oo digniin culus ka bixiyey qorshe ay damacsan tahay dowlada Shiinaha

Xoghayaha arrimaha dibedda Maraykanka, Antony Blinken ayaa sheegay iney si dardar leh oo aan horay looga baran u fulinayaan qorshaha uu ku doonayo inuu Taiwan uga dhigo qeyb ka mid ah dalweynihiisa,

Blinken ayaa intaa raaciyay in xukuumadda Beijing ay go’aansatay in aan hadda kadib la aqbali karin xaaladda hadda ay isku maamusho Taiwan.

Blinken sheegay in haddii Shiinaha uu qaab nabad ah ku soo celin waayo Taiwan, uu markaa adeegsan doono qasab iyo xitaa awood milateri.

“Waa taa arrinta dhibaatada ku ah joogteynta xaalka hadda jira, isla markaana abuuraya xiisad ballaaran,” ayuu yiri Blinken oo intaa ku daray in Maraykanka uu ka dhabayn doono ballanqaadkiisa ah inuu difaacayo Taiwan.

Siyaasadda rasmiga ah ee u degsan Washington ayaa ah inay aqoonsan tahay midnimada Shiinaha – oo ay kamid tahay Taiwan, isla markaana aanay ciidamadeeda si toos ah u caawin karin Taiwan. Hase yeeshee Biden ayaa u muuqda mid hareermaray siyaasaddaas, waxaana uu marar badan sheegay in dalkiisa uu difaaci doono Taiwan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -