Muuse Biixi oo dhagax dhigay Mashruuc ay ku baxeyso $-17 Milyan (Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta dhagax-dhigay waddo cusub oo isku xiraysa Kaantaroolka Halleeya iyo Cusbitaalka Shifo oo dhan 22.5KM, taasoo dhinaca waqooyiga ka maraysa magaalada Hargeysa, islamarkaana saxmadda iyo cidhiidhiga lagaga yaraynayo caasimadda.

Munaasibadda dhagax-dhigga, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay safiirro ka socda dalalka Ingiriiska, Imaaraadka, Taiwan, madaxda kala duwan ee mashruuca DP World, guddoomiyaha xisbiga UCID,  xubno kamid ah golaha wasiirrada, barasaabka gobolka Maroodi-jeex

Madaxa mashruuca Berbera Corridor, Eng. Ciise Yuusuf Maxamed (Xamari), ayaa isaguna si hufan u sharraxay waddadan cusub ee caasimadda lagaga yaraynayo cidhiidhiga gaadiidka, waxana uu tilmaamay inay waddadu yeelan doonto Biriijyo waaweyn iyo Buundooyin yaryar oo biyuhu mari doonaan, islamarkaana hareeraha waddada la beeri doono, lana ilaalin doono buuraha astaanta u ah caasimadda ee Naasa Hablood oo ay waddadu duleedkeeda mari doonto.

Madaxa DP World u qaabilsan mashruuca Berbera Corridor, Mr. Angus Miller oo munaasibadda ka hadlay, ayaa caddeeyey inay ka go’an tahay dhammaystirka waddadan muhiimka, isaga oo intaas ku daray inay hawsha waddada wax badan ka qabteen, kuna dedaali doonaan inay ku dhammaystiri doonaan muddo 22 bilood ah.

Safiirka dawladda Ingiriiska Amb, Kate Foster oo ay dawladdeedu maalgelinayso mashruuca waddadan, ayaa iyaduna ku dheeraatay muhiimadda ay waddadani u leedahay qaranka Somaliland iyo kaalinta ay ka qaadanayso  isu socodka gaadiidka, horumarinta dhaqaalaha iyo yaraynta ciriiriga xagga gaadiidka ah ee haysta caasimadda Hargeysa.

Wasiirka wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka, Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaanayaa tilmaamay in dhismaha waddada cusub ee maanta la dhagax-dhigay ay kamid tahay mashruuca weyn ee Berbera Corridor, si gaar ahna ay dawladda Ingiriisku u maalgelisay waddada qaybta cusub ee maanta la dhaga-dhigay, islamarkaana ay ku baxayso lacag dhan 17 milyan oo Dollar.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa dhankiisa ammaanay horumarka iyo dedaalka ka socda guud ahaanba mashruuca Berbera Corridor ee lagu dhisayo waddada Berbera iyo Wajaale oo la hubo inay wax badan ka tarayso horumarka dalka, koboca dhaqaalaha iyo isku xidhka guud ahaan gobolka Geeska Afrika.

“Waxaynu u baahannay inay maskax iyo muruq isugu geynno sidii aynnu waddooyin u dhisi lahayn, inta la inaga caawiyaana waa Alxamdulilaahi, laakiin innagu weynnu dhisi karnaa baan qabaa waddooyin Badan, waxana jecelahay inaan qolada Ganacsatada ah iyo maalqabeenka dalka usoo jeediyo inay dhisi karayaan waddada Burco ilaa Hargeysa.” ayuu yiri Muuse Biixi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -