Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

RW Xamza oo la kulmay Xulka Qaranka ee ku guulestay koobka CECAFA (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa caawa casho sharaf ugu sameeyay Magaalada Addis Ababa cayaartoyda Kooxda Xulka Qaranka ee 17 jirrada oo shalay ku guuleystay koobka cayaaraha Bariga iyo Bartmaha Afrika ee CECAFA.

Munaasabadda cashada ayaa waxa ka soo qaybgalay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Goleyaasha dowladda.

Kooxda oo cayaartii u dambeysay uga adkaatay kooxda South Sudan 3 iyo 1, ayaa waxaa berri ay koobka geyn doonaan magaalada Caasimada ee Muqdisho.

Qaban-qaabo balaaran oo lagu soo dhoweynayo ciyaartoda ayaa ka socota magaalada Muqdisho, waxaaa la filayaa in soo dhoweynta ciyaartoyda ay ka qeyb qaataan madaxda sare ee dalka.

 

Related posts

Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaalka u dhaxeeya dowlada Azerbaijan iyo Armenia

Cabdi Cade

Madaxweyne Qoor Qoor oo ka hadlay geerida ciyaaryahan katirsanaa Xulka Galmudug

Cabdi Cade

Cabdi Xaashi: “Maanta oo kale waxaa na looga baahan yahay Midnimo & taageero”

Caydiid Ali
Taboola Ads ---