Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cabdi Xaashi: “Maanta oo kale waxaa na looga baahan yahay Midnimo & taageero”

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka qayb qaataan gurmadka iyo garab istaagga Walaalaha Soomaaliyeed ee waxyeelladu ka soo gaartay fatahaadaha ka dhacay Dalka.

Wuxuu si gaar ah u tilmaamay in Hay’adaha Dowladda looga baahan yahay in ay si mug leh ugu istaagaan ka jawaabidda xaaladaha adag ee ay ku sugan yihiin shacabka Soomaaliyeed oo ay saameeyeen fatahaadaha.

“Maanta oo kale waxaa nalooga baahanyahay midnimo, istaageerid, samafal iyo in aynu u midowno sidii aynu maal iyo muruqba isugu geyn lahayn gurmadka Walaalaha la dhibaateysan hoy la’aanta, qabowga iyo gaajada oo kuweena wax haysta ay gacan ka gaystaan gurmadka iyo gacan qabashada dadkeenna ay saameeyeen Fatahaadda.”

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale bogaadiyey abaabulka xooggan ee shacabka Soomaaliyeed iyo Dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ay bilaabeen si wax looga qabto waxyeelada ay gaysteen fatahaaduhu, isagoo ku baaqay in ay sii laba jibaaraan dadaalkooda wax ku oolka ah.

 

Related posts

Doorasho natiijada kasoo baxeysa lasii qorsheeyay oo maanta ka dhaceysa Jowhar

Cabdi Cade

Guri kuyaala Muqdisho oo soo dumay iyo khasaaro dhimasho oo ka dhashay

Cabdi Cade

Abuu Mansuur oo la Guddoonsiiyay Sharciga lagu maamulo Shaqaalaha Rayidka (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---