Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Wasiirka Difaaca iyo taliyaha ciidanka Xoogga dalka oo gaaray magaalada Baydhabo (Sawirro)

Wasiirka Gashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur, oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka xoogga dalka Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage, ayaa gaaray magaalada Baydhabo

Ujeedada safarka masuuliyiintan ayaa la xiriira dar-dargelinta howlgalada dib u xoraynta dalka gaar ahaan Deeganada Koonfurgalbeed Soomaaliya sida au baahisay warbaahinta DF.

Waxaa garoonka dayuuradaha magaalada Baydhabo ku soo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan maamulka K/galbeed iyo iyo saraakiil ciidan

Dagaalo iyo howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab ayaa ka socda qeyba badan oo ka mid ah Gobolka Hiiraan,iyo qeybo kamid ah Shabeelada Dhaxe, Waxaana hormuud u ah Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa kuwa deegaanka.

Waxaa dagaaladan Al-shabaab looga saaray degaano badan oo ka tirsan gobolada Hiiraan, Galgaduud iyo Shabeelaha dhexe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Sheekh Shariif oo Baaq u diray Saraakiisha ciidanka Dowlada kuna dhawaaqay Banaan baxyo

Cabdi Cade

Dowladda Itoobiya ayaa ka hadashay doorashadii ka dhacday Somaliland

Cabdi Cade

Wararkii u Dambeeyay Ciidamada Janaraal Xuud oo saakay Weeraray Baladweyne

Cabdi Cade
Taboola Ads ---