Dawo loogu talo galay qufaca oo caruur 70 ka badan ku dishay dal ka tirsan Qaarada Afrika

In 70 caruur ah ayaa u dhintay dhaawac daran oo kelyaha ah, kaasoo loo maleynayo inuu ka dhashay sharoobada qufaca ee dalka India lagu farsameeyay sida ay sheegtay Dowladda Gambia.

Madaxweynaha Gambia Adama Barrow ayaa warkan ka sheegay shir deg deg ah oo golaha wasiiradu ay Khamiistii yeesheen kaasoo ay kaga hadlayeen sidii xaaladdan wax looga qaban lahaa.

Gambia ayaa sidoo kale baaraysa sababta dhimashada keentay, iyadoo todobaadkan guddi cusub loo saaray si ay baaritaan u sameeyaan sida lagu sheegay warka ka soo baxay madaxtooyada.

Sharoobada ayaa la ogaaday in ay samaysay shirkadda Maiden Pharmaceuticals Ltd oo fadhigeedu yahay magaalada New Delhi, taasi oo dhowaan la xiray mid ka mid ah warshadeheeda ku yaalla waqooyiga India, iyadoo mas’uuliyiinta caafimaadka ee halkaasi ay baaritaan wadaan.

Heyadda Caafimaadka aduunka WHO ayaa dhowaan joojisay isticmaalka 7 nooc oo ka mid ah dawooyinka loo qaato qufaca ka dib markii ay sababeen waxyeelo daran iyo dhimasho deg deg ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -