(Sawirro) Duqa Muqdisho oo booqday Qoys ay shan qof uga dhinteen Roobabkii xalay

Guddoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo ay la socdeen wehliyaan guddoomiye ku-xigeenadiisa iyo xoghayaha Gobolka ayaa booqday xaafada Ceel-Qalow qasaare weyn uu ka geystay Roobkii Xalay ee dhaliyey Dhimashada 7-ruux oo 5 ka mida ay isku qoys ahaayeen.

Duqa Muqdisho ayaa si gaar ah ula kulmay qoyskii ay shanta qof uga dhinteen Guriga kusoo dumay, isagoo uga tacsiyadeeyay dhibaatadii soo gaartay, wuxuuna ku wareejiyay Lacag Shilin Soomaali ah oo ku jiray Laba jawaan si ay nolashooda ugu maareeyaan.

Iyadoo malaayiin doolar oo canshuur ah uu ka qaado shacabka Muqdisho ayaa Maamulka Gobolka Banaadir waxaa uu ku fashilmay inuu xal u helo meelo biyo mareenka ah iyo bulaacadaha caasimadda oo marka uu roob da’o keena qasaare naf iyo hanti leh.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -