Allbanaadir.com
NEWS

Al Shabaab oo Weerar ku qaaday Ceeldheer iyo ciidanka dowladda oo jawaab ka bixiyay

Dagaallamayaal katirsan kooxda Al Shabaab ayaa xalay weerar madaafiic loo adeegsaday ku qaaday degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, halkaas oo fariisin u ah ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Sida aan wararka ku helnay kooxda Al Shabaab ayaa xalay saqdii dhaxe weerar hoobiyaal loo adeegsaday ku qaaday degmada Ceeldheer, waxa ayna madaafiicda ku dhaceen bannaanka magaalada intooda badan.

Ciidanka dowladda ee ku sugan degmada Ceeldheer ayaa dhankooda jawaab ka bixiyay weerarka Al Shabaab kusoo qaadeen, waxa ayna hub culus ku garaaceen aaga Al Shabaab kasoo tuureen madaafiicda.

Saraakiisha ciidanka dowladda ee ku sugan degmada Ceeldheer ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarka Al Shabaab kaga yimid, waxa ayna xuseen in aysan jirin khasaaro weerarkaasi kasoo gaaray ciidanka.

Ciidanka dowladda iyo kuwa dadka deegaanka ayaa ku sugan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud, degmadaasi ayaana kamid ah goobihii kooxda Al Shabaab looga saaray howlgalladii ugu dambeeyay ee gobolkaasi ka dhacay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Wafdi ka socda beesha caalamka oo Muqdisho soo gaaray & Xog ku aadan ujeedada safarkooda

Caydiid Ali

Banaan baxyo ruxay Jigjiga kadib markii la geenay Meydadka dad la laayay (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Ciidamada ammaanka oo gacanta ku dhigay Gacan ku dhiigle baxsad ku jiray

Cabdi Cade
Taboola Ads ---