Allbanaadir.com
NEWS

Dowladda Soomaaliya oo Digniintii ugu adkeed u dirtay Ganacsatada Soomaaliyeed

Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdirashiid Jabriil, oo goordhaw warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa uga digay ganacsatada Soomaaliyeed in ay wada shaqeyn la yeeshaan Al Shabaab .

Waxa uu sheegay wasiirka ganacsiga in dambi tahay in wada shaqeyn iyo la macaamil lala yeesho kooxda Al Shabaab, waxa uuna sheegay ciddii lagu arko isaga oo wada shaqeyn ama la macaamil la leh Al Shabaab tallaabo adag laga qaadi doono.

Wasiirka ayaa sheegay shirkaddii ama ganacsadihii lagu arko la macaamilka Al Shabaab in lagala laaban doono ruqsada ganacsi , waxa uu sidoo kale cadeeyay ganacsadihii lacag siiya Al Shabaab laga mamnuuci doono in dalka wax ganacsi ah ku sameeyo.

Cabdirashiid Jabriil, ayaa sidoo kale sheegay shirkaddii ay ku cadaato in ay ku jiraan xubno katirsan Al Shabaab ama wakiil uga noqda ganacsigooda in dowladda kala wareegeyso dhammaan waxii hanti ah ay shirkadaasi leedahay.

Wasiirka ganacsiga ayaana faray ganacsatada Soomaaliyeed in ay dhaqan geliyaan amarkan cusub ee kasoo baxay xukuumadda Soomaaliya kana digtoonaadaan la macaamilka iyo gacan siinta kooxda Al Shabaab.

Hadalkan kasoo yeeray wasiirka ganacsiga Soomaaliya ayaa kusoo aadaya, xilli Al Shabaab la sheegay in dhaqaale fara badan si joogta ah uga qaado ganacsatada Soomaaliyeed iyo shirkadaha waa weyn ee kuyaalla Muqdisho iyo qeybo dalka kamid ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Qaraxyo xoog leh oo ka dhacay Muqdisho & Wararkii ugu dambeeyey

Caydiid Ali

Axmed Madoobe oo Guddoomiyay shir arrimo muhiim ah looga hadlay (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiir Cadaalla oo sheegay in lala xisaabtamayo shakhsiyaad ku kacay arrin halis ah

Caydiid Ali
Taboola Ads ---